Friday, December 8

SUURADDA “Al-Faatixa”

Google+ Pinterest LinkedIn Tumblr +

Ilaahay – subxaanahuu wa tacaalaa – waxa uu inagu sharfay inuu inoogu soo dhiibo Nabi Muxamadnaxariis iyo nabad-galyo korkiisa ha ahaatee – Qur’aanka sharafta leh.

Qur’aanku waa hadalkii ilaahay, waa mucjiso aan guurayn oo aan gaboobayn, waxa ku duugan warkii umadihii inaga horeeyay iyo xogta waxa ilaa qiyaamaha dhici doona, waxa uu xambaarsan yahay tilmaamaha hab-nololeedka ugu habboon ee dunida korkeeda ka jiri kara guul rasmi ahna lagu gaadhi karo.

Qur’aanku waxa uu ka kooban yahay 114 suuradood, suuradda 1aad ee lagu bilaabay kitaabka ilaahay waa “Suuratul Faatixa” waana suuradda ugu fadliga badan Qur’aanka.

Waxa uu ku soo guuriyay Imaamu Tarmadi kitaabkiisa xadiis-kan:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ لأُبَيِّ بْنِ كَعْبٍ : أَتُحِبُّ أَنْ أُعَلِّمَكَ سُورَةً لَمْ يَنْزِلْ فِي التَّوْرَاةِ وَلَا فِي الْإِنْجِيلِ وَلَا فِي الزَّبُورِ وَلَا فِي الْفُرْقَانِ مِثْلُهَا ؟ قَالَ : نَعَمْ ، يَا رَسُولَ اللَّهِ ، قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : كَيْفَ تَقْرَأُ فِي الصَّلَاةِ ؟ قَالَ : فَقَرَأَ أُمَّ الْقُرْآنِ . فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : (وَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ مَا أُنْزِلَتْ فِي التَّوْرَاةِ وَلَا فِي الْإِنْجِيلِ وَلَا فِي الزَّبُورِ وَلَا فِي الْفُرْقَانِ مِثْلُهَا) صححه الألباني في صحيح الترمذي .

Waxa uu Abuu Hurayra – Ilaahay ha ka raalli noqdee – soo wariyay in Nabigu- naxariis iyo nabad-galyo korkiisa ha ahaatee –ku yidhi asxaabigii Ubaya Ibnu Kacab – Ilaahay ha ka raalli noqdee -:  “Ma jeceshahay inaan ku baro Suuradda aan suurad la fadli ahi ku jirin Tawraad, Injiil, Zabuur iyo Furqaan?” Asxaabigii ayaa yidha: “Haa, ibar Nabigii ilaahayoow”, “Suuraddee ayaad ku akhridaa Salaadda ayuu wadiiyay Nabigu?”, “Hooyada Qur’aanka (Faatixada), ayaan akhriyaa” ayuu ku jawaabay asxaabigii. Kadibna waxa uu Nabigu – naxariis iyo nabad-galyo korkiisa ha ahaatee – ku yidhi asxaabigii: “ Ilaaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye laguma soo dajin Tawraad, Injiil, Zabuur iyo Furqaan midnaba suurad la fadli ah”.

[Sh. Albaani ayaa yidhi waa Saxiix – SAXIIXA TARMADI]

Faatixadu waa 7 Aayadood, bisinkuna waa aayadda 1aad, Magacyo kale ayay leedahay Faatixadu, waxaana kamid ah: Hooyada Qur’aanka/Kitaabka (أم القرآن و أم الكتاب), Toddobada soo noqnoqda (السبع المثاني), Qur’aanka Wayn (القرآن العظيم), Shaafiya (الشافية), Kooba (الوافية) iyo kuwo kale oo badan.

Maxay Faatixadu kala gaar tahay Qur’aanka intiisa kale?

  1. Salaaddu ansax noqonmayso haddii aan lagu dhex akhriyin iyadoo saxsan, waana waajib qof kasta oo tukanaya inuu la yimaaddo, rak-cad kastana la soo celceliyo.

 

  1. Waxay tilmaamaysaa qaabka ugu sareeya ee Ilaahay loo baryo: In ilaahay loogu tawasulo MAHAD-NAQ, AMMAAN & WAYNAYN, iyo in loogu tawasulo CIBAADDO KALIGII LAGU GAAR YEELAY kadibna ilaahay la waydiisto HANUUN oo ah wax la la dalbado waxa ugu muhiimsan uguna qiimo badan. Qofka sidaas ilaahay u baryaana waa mid la yimi qaabkii ALLE BARI AQBALKU UGU MUDNAA.

 

  1. Iyadoo aad u kooban, hadana Faatixadu waxay koobaysaa dhamaan qaybihii Tawxiid-ka Ilaahay ee saddexda ahaa; Ilaahay oo loo kaliyeelo cibaadada, rabbinimada iyo magacyadiisa iyo tilmaamihiisa.

 

  1. Waa Dawo (Qabiga iyo Jidh-kaba) lagu daweeyo.

 

Sheekh Ibnul-Qayyim ayaa yidhi:

“Qalbiga sida ay u dawaysaa waa baryada uu dhexdeeda ilaahay ku waydiisanaayo qofka akhriyayaa inuu ku hanuuniyo JIDKA TOOSAN (الصراط المستقيم), iyo caddaynta uu qofku caddaynaayo inuu ilaahay kaliya CIBAADO & KAALMABA ugu magan yahay (إياك نعبد وإياك نستعين), waayo qalbigu waxa uu ku bukoodaa laba wax (b) Cilmi la’aan/xumo, (t) Niyyad leexsan, qofka labadaa midkood soo haleelaana waxa uu halis u yahay laba cudur oo dilaa ah (b) Baadi/Habaw iyo (t) Cadho Ilaahay, qofka Jidka toosan lagu hanuuniyo Niyaddiisuna aanay magan u ahayn cid aan ilaahay ahayn ma asiibo cudurkaasi ama wuu ku dawoobaa Faatixada. Inay Daawo u tahay jidh-kana Nabiguna wuu dheegay, Cilmiga caafimaadkuna wuu ka markhaati kacay tijaabana waa lagu hayaa, aniga (Ibnul-Qayyim) laftayda ayaa anoo Xaramka jooga aad u xanuusaday ilaa heer aan dhaqaaq daayay, kadib ayaan isku akhriyay Suuradda Faatixada meeshii nabarku iga hayayna waan ku masaxay kadibna caafimaad ayaan isla judhiiba dareemay, marar badan ayaa sidaas samayn jiray intii xanuunkaasi I hayay, Biyo Samsam ah baan Faatixada ku akhriyi jiray, markasta oo xanuun I qabtana waan cabbi jiray, waxaanan ka helay waxtar iyo Dawo aanan hore dawo kale uga helin”. [Kitaabka Madaarij Assaalikiin 1/58].

  1. Faatixadu waxay koobaysaa nuxurkii dhammaan kutubtii ilaahay ku soo dajiyay Rusushii hore.
  2. Waxa Faatixada ku jira Duco lagu ducaysto ta ugu wax-tarka badan, 17-ka rak-cadood ee 5ta salaadood ee faralka ahna waa mid aad ku ducaysato; ILAAHAY OO LA WAYDIISTO INUU KUGU GARAB GALO HELISTA RAALLI AHAANSHIHIISA (إياك نعبد وإياك نستعين).

Marka la soo ururiyo, walaalka muslinka ahow iyo walaasha muslimadda aheey, Faatixadu waa Suurad ay ku dhan tahay furayaasha badhaadhaha aduunyada iyo aakhriba, sidaas awgeed

  1. HA BAWSAN E BARO (Ka qaado/dhagayso qaabka akhriskeedu saxa ku yahay qof aqoon u leh);
  2. ISKA SAX AKHRISKEEDA (Ku hor akhri qof aqoon sax ah u leh Qur’aanka si aad u hubiso inay dhawaaq ahaan kuu saxan tahay);
  3. XAFID (wixii lagu celceliyo ayaa sugma);
  4. MACNAHEEDA BARO (Faham waxay aad odhanayso marka aad salaadda ku akhriyayso Faatixada; Maxaad ilaahay ku ammaanaysaa, maxaad ilaahay waydiisanaysaa, maxaad ka magan galaysaa .. iwm).

 

Waxa Qoray:

Cabdiraxmaan Aadan Shire

Hargaisa, 1 Ramadaan, 1441 ama 24/4/2020

Share.

1 Comment

  1. Abdirizak Mohamed on

    ماشاءالله تبارك الله.Waxan aad ula dhacay Degalkeenan cusub iyo Qoraalka Diiniga ee Sheekheena abdirahman ku bilaabay.Allaah ha inoo barakeeyo

Leave A Reply