Allaah ayaa mahad oo dhan mudan, naxariis iyo nabadgelyo Rasuulka korkiisa ha ahaato, intaa kadib.Waxaynu wax yar oo kooban iska xusuusin doonaa Jannada iyo Nimcooyinkeeda faraha badan ee uu Rabbi ku diyaariyay kuna abaalmarinayo adoomadiisa wanaagsan. Haddaba ka hadalka Jannada, waxa la odhan karaa, waxay ka mid tahay sababaha ugu weyn ee qofka ku caawinaya toosnaanta iyo inuu qalbigiisu wanaagsanaado, ka hadalka jannadana maaha mid laga caajisayo oo laga daalayo, oo sidee looga daalayaa oo looga caajisayaa ka hadalka guri uu Eebbe gacantiisa ku dhisay, ugana dhigay hoy iyo meel ay deggaan kuwa uu jecel yahay, kana buuxiyay naxariistiisa, sharaftiisa iyo raali ahaanshihiisaba, kuna tilmaamay nimcooyinkeeda inay tahay guul iyo liiban weyn, lahaanshiyaheedana lahaanshiyo weyn, kuna ururiyay wanaag iyo kheyr oo dhan?.
Dadkeedu way nool yihiin waligoodna ma dhimanayaan, waligoodna hodantinimo ayay ku jirayaan iyo barwaaqo, oo ma ah kuwa busaaradaysanaya, waligood dhalinyar bay ahaanayaan oo ma ah qaar gaboobaya, waa qaar caafimaad qaba oo weligood ma bukoonayaan.
Miyuu seexan doonaa hurdada caabid oo ay soo jeedi doonaan habeenkii kuwa dhowrsadaa ilaa ay ka cabsanayaan in laga xarimo gelitaankeeda, Oo miyay noolaayeen Nabiyadii, ergooyinkii iyo intii raacday ee Muuminiinta ka mid ahi ilaa ay Eebbe weydiistaan Jannada.
Allena markuu inoo sheegay ehlu jannuhu waxay jannada ku heleen wuxuu yidhi Alle:”
(تَتَجَافَىٰ جُنُوبُهُمْ عَنِ الْمَضَاجِعِ يَدْعُونَ رَبَّهُمْ خَوْفًا وَطَمَعًا وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنفِقُونَ)( السجدة؛ الآية: ١٦).
Nebigu salallaahu calayhi wasalam miyuusan nin ku dhihin, “sidee u tidhaahdaa salaada?” Wuxuu yidhi: waan marag furaa (ashahaadada), waxaanan dhahaa: “illaahow waxaan ku waydiisanayaa janno, waxaanan kaa magan galay naarta.”
Jannadaasi waa janno uu ballaadhkeeda iyo ballaceedu weyn yahay, qurux badan yihiin dhismaheeda, oo cajaa’ib leeyihiin guryaheedu.
Balaadhkeeda waxa Ina tusaya weynidiisa hadalka uu Alle koreeye yidhi:
سَابِقُوا إِلَىٰ مَغْفِرَةٍ مِّن رَّبِّكُمْ وَجَنَّةٍ عَرْضُهَا كَعَرْضِ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ أُعِدَّتْ لِلَّذِينَ آمَنُوا بِاللَّهِ وَرُسُلِهِ ۚ ذَٰلِكَ فَضْلُ اللَّهِ يُؤْتِيهِ مَن يَشَاءُ ۚ وَاللَّهُ ذُو الْفَضْلِ الْعَظِيمِ( الحديد؛ الآية :٢١،).
(وَسَارِعُوا إِلَى مَغْفِرَةٍ مِنْ رَبِّكُمْ وَجَنَّةٍ عَرْضُهَا السَّمَوَاتُ وَالْأَرْضُ أُعِدَّتْ لِلْمُتَّقِينَ)( آل عمران؛ الآية: ١٣٣).
Waa kuwan axaadiista ina tusinaya nicmooyinka uu Allaah u diyaariyay awliyadiisa jannadana ugu diyaariayay:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: “سَأَلَ مُوسَى رَبَّهُ: مَا أَدْنَى أَهْلِ الْجَنَّةِ مَنْزلَةً؟ قَالَ: هُوَ رَجُلٌ يَجِيءُ بَعْدَ مَا أُدْخِلَ أَهْلُ الْجَنَّةِ الجَنَّةَ فَيُقَالُ لَهُ: ادْخُلِ الْجَنَّةَ. فَيَقُولُ: أَيْ رَبِّ كَيْفَ؟ وَقَدْ نَزَلَ النَّاسُ مَنَازِلَهُمْ وَأَخَذُوا أَخَذَاتِهِمِ؟ فَيُقَالُ لَهُ: أَتَرْضَىٰ أَنْ يَكُونَ لَكَ مِثْلُ مُلْكِ مَلِكٍ مِنْ مُلُوكِ الدُّنْيَا؟ فَيَقُولُ: رَضِيتُ، رَبِّ فَيُقُولَ: لَكَ ذَلَكَ وَمِثْلُهُ وَمِثْلُهُ وَمِثْلُهُ وَمِثْلُهُ. فَقَالَ فِي الْخَامِسَةِ: رَضِيتُ، رَبِّ فَيَقُولُ: هذَا لَكَ وَعَشَرَةُ أَمْثَالِهِ. وَلَكَ مَا اشْتَهَتْ نَفْسُكَ وَلَذَّتْ عَيْنُكَ. فَيَقُولُ: رَضِيتُ، رَبِّ قَالَ: رَبِّ فَأَعْلاَهُمْ مَنْزِلَةً؟ قَالَ: أُولئِكَ الَّذِينَ أَرَدْتُ غَرَسْتُ كَرَامَتَهُمْ بِيَدِي. وَخَتَمْتُ عَلَيْهَا فَلَمْ تَرَ عَيْنٌ وَلَمْ تَسْمَعْ أُذُنٌ وَلَمْ يَخْطُرْ عَلَى قَلْبِ بَشَرٍ”) رواه مسلم.
Nebigu salallaahu calayhi wasalam wuxuu yidhi “ Nebbi Muusaa Rebbigii weydiiyay, ehlu jannaha kee baa ugu darajo yar jannada xaga derajada?, illahay baa yidhi: Waa qof iman doona intii ehlu jannaha jannada la galiyay, waxaana la odhanayaa “ jannada gal”, markaas buu odhanayaa “illaahaygiyoow sidee ayaan jannada u galaa iyada oo dadku ay degeen meelahoodi, oo ay kala qaateen boosaskoodii”, markaas baa la odhanayaa raali maad ku tahay inuu kuu ahaado boqor boqoradii aduunyada joogay ka mida wixii uu xoolo lahaa in le’eg in lagu siiyo, markaas buu odhanayaa “ illaahayoow raali baan ahay, markaas buu Alle odhanayaa intaas baad leedahay iyo in leeg, iyo in leeg, iyo in leeg, mar shanaad buu leeyahay, “ illaahayoow raali ban ahay, markaas buu Alle odhanayaa shantaa jeer baad leedahay iyo toban laabkii, waxa kale oo aad leedahay wax Alla wixii naftaadu doonto, ishaaduna ay ku qabowsato, markaas buu odhanayaa, “ illaahayoow raali baan ahay”.
Markaad akhrido ama maqasho xadiiskan, su’aal muhiim ah ayaa maskaxdaada kusoo dhici karta oo ah: “Hadday tani tahay saamiga ninka ugu dambeeya ee gala Jannada, haddaba sidee buu noqon doonaa saamiga kuwa ugu horeeyay isaga kana darajo sarreeya?
Isla su’aashan waxaa illaahay weydiiyay Nebi Muuse calayhi salaam, oo yidhi: “keebaa ugu darajo sareeya hadaba, mar hadii kii ugu darajada hooseeyay uu intaa helay?
Alle-na waxa uu yidhi:” kuwaasi waa kuwa aan anigu doonay, wixii aan ku maamusayna waxaan ku beeray gacantayda, shaygaana waan u gaar yeelay oo waa wax u gooniya oo aanay ili arag, dhegna maqal, qof banni aadam ahna qalbigiisu ma qaadi karo oo kuma soo dhicinba”.
Allena waxa uu yidhi:
(فَلَا تَعْلَمُ نَفْسٌ مَّا أُخْفِيَ لَهُم مِّن قُرَّةِ أَعْيُنٍ جَزَاءً بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ)( السجدة؛ الآية ١٧).
Jannadu waa mid aad u baaxad weyn oo nabiga salallaahu caleyhi wasalam wuxuu yidhi:
””إِنَّ للْمُؤْمِنِ فِي الْجَنَّةِ لَخَيْمةً مِنْ لُؤْلُؤةٍ وَاحِدةٍ مُجوَّفَةٍ طُولُهَا في السَّماءِ سِتُّونَ مِيلاً. للْمُؤْمِنِ فِيهَا أَهْلُونَ، يَطُوفُ عَلَيْهِمُ المُؤْمِنُ فَلاَ يَرى بعْضُهُمْ بَعْضاً) متّفقٌ عليّهِ.
“Qofka mu’minka aha wuxuu jannada ku leeyahay bangalo weyn oo ka sameysan xabad jawhar ah, xaga hoosana ka waasic ah, dhererkeeduna lixdan mayl bay kor u leegtahay, qofka mu’munka ahna xaasas baa u jooga, waanuu ku wareegayaa, qaarkoodna qaarka kale arki maayaan”.
Albaabada Jannadu waa qaar waaweyn, oo tilmaamaya baaxadda awoodda Jannada, waxaa oo jamaal iyo qurux ah oo jannada Alle subxaana watacaalaa uu ku diyaariyay ma ah qaar aan soo koobi karno oo aan ka sheekayn karno waxa inagaga filan xadiiska, uu nebbigu salallahu caleyhi wa salam uu ku soo khatimay majliskii uu fadhiyay ee uu kaga sheekaynayay kuna tilmaamayay jannada iyo naciimkeedaba oo uu yidhi:
” فيها ما لا عين رأت ، ولا أذن سمعت ، ولا خطر على قلب بشر “.
Allena waxaynu weydiisanaynaa inuu bifadlihii wa karamii uu inaga mid dhigo dadkii uu naciimkaas aan la tilmaami karayn lana sifayn karayn uu u diyaariyay, Allahumaa Aamiin.
Waxa tarjumay: Nimco Cali Abokor, hansare.net
Maqaalka asalkiisa hore waxa lagu baahiyay: islamweb.net