Sh. Ibraahim Axmed Saciid (Ibraahim GR)
Illaahay swt waxa uu yidhi; “Waxa liibaanay mu’miniinta salaaddooda ku khushuuca…” (Suuratul Mu’minuun)
Sifada ugu horreeya ee Illaahay (swt) ku sifeeyay mu’miinta liibaanay waa kuwa salaaddooda ku khushuuca. Imaamu Maawardi, waxa uu yidhi: Liibaanta (Falaaxu) waa in camaladaadii Illaahay (swt) kuu sugo oo uu noqdo kuwo aakhiro wax kuu gooya.
Khushuucdu waa degenaan, is-miskiinin iyo kalgacal iyo hilow xagga Illaahay swt qofku u hiloobo. Waxa keena oo sabab u ah Illaahay (swt) cabsidiisa (waxa sidaas ku tafsiiray Ibn Kathiir)
“Illaahay swt oo aad is hortaagto adiga oo is duleynaya, is miskiininaya oo muujinaya in aad u baahan tahay” – Ibn Qayyim.
Waxa laga dareemaa Qalbiga, waxana ay ka muuqdaan xubnaha. Qofku khushuucda salaadda waxa uu ka helaa hadba qadarka iimaankiisu uu gaadhsiisan yahay. Hadba inta aad Illaahay (swt) ka cabsanayso ee aad garanayso weynaantiisa ayay khushuucdeedu kuu imanaysaa.
Qaybaha khusuucda Salaadda ee dadka:
Ibnu Qayyim waxa uu u qaybiyay heerarka khushuucda:
⦁ Qaar naftooda dulmiyay: Waxa uu ku xadgudbay salaaddi weysadaadii, wakhtigeedii, xuduudeedii, arkaanteedii. Intaasiba waxa kaga jira khalal. Illaahay (swt) xaggiisa Ciqaab ayaa u qoran.
⦁ Qof salaadda ilaalinaya, xuduudeeda, arkaanteeda, weysadeeda. Salaadda marka uu galo waxa ka dayacan dedaal in uu ku bixiyo in uu naftiisa la jihaatamo. Marka salaadda uu galo ayaa waswaaskii iyo afkaartii iyo mashquulkii adduunyadu ku imanayaa. Hal shaydaan oo gaar ah ayaa qaabilsan waswaaska magaciisa waxa la yidhaahdaa Khinzab salaadda. Waxa uu ku war helayaa “marka salaadda laga baxo”. Kaasina Ilaahay (swt) agtiisa xisaab ayaa u taalla.
⦁ Qof xuduudeeda ilaaliyay; arkaanteediina wuu ilaaliyay, naftiisiina wuu la dedaalayaa; naftiisana wuu la jihaadayaa. Waxana uu mashquul ku yahay in uu iska celiyo waxyaabaha salaadda ka mashquulinaya. Gaadhigu marna wadada ayuu kala baxayaa marna wuu ku celinayaa. Wuxu ku dedaalayaa shaydaanka salaadda xadaya in uu ka ilaaliyo. Kaasina waxa la rajeynayaa in Illaahay (swt) u dembi-dhaafo.
⦁ Qof marka uu salaaddii galo Xuquuqdeedii ayuu dhammaystirayaa. Waxa uu ku mashquulsan yahay in uu salaaddii dhowro oo ilaaliyo. Hamigiisa oo dhan waxa uu isugu geeyay in uu salaaddaasi dhowro oo uu ku khushuuco. Kaasina Ilaahay (swt) agtiisa abaalmarin ayuu ku leeyahay inshaa Allaahu.
⦁ Qof marka uu salaadda u kaco isaga oo qalbigiisu u hiloobayo salaaddii. Illaahay (swt) hortiisa in uu taagan yahay garanaya. Si Illaahay (swt) u muuqanayo oo kale ayuu Rabbigii u caabudayaa. Qalbigiisa Ilaahay swt weynaantiisa iyo kalgacalkiisa ayuu dheehanayaa. Qalbigiisa way ka baab’aday waswaas iyo khawaadir. Ilaahay (swt) waxa uu u feydayaaa raali-ahaanshihiisa. Kaasina waa qof Illaahay (swt) u dhow.
“Qofka waxa ugu horreeya ee qiyaamaha laga xisaabiyo waa Salaadda. Haddii ay u hagaagto, camalada kalena way u hagaagayaan”, ayuu yidhi Nebigu csw.
Ummadda Muslimiinta ah cilmiga ugu horreeya ee ay waayi doonaan waa khushuucda, ayuu yidhi Nebigu csw. Waa Cilmi iyo aqoon ay tahay qofka Mu’minka ah in uu garto.
Salaaddu in ay qofka dhadhan wanaagsan u sameyso, Illaahay (swt) waxa uu inoogu tilmaamay Qur’aanka. Waxad kaashataan Salaadda iyo Sabirka. Culimada qaar ayaa sabirka ku tilmaamay Soonka. Bisha Soona waxa la yidhaahdaa bishii Sabirka. Salaadduna way ku culus tahay, kuwa Illaahay (swt) ku khushuucaya mooyee.
Sidee ayaynu u keeni karaa marka aynu salaadda galo in aynu khushuucno?
⦁ Nebigu (scw) waxa uu sheegay in ay khushuucda ay u soo jiidaan qofka in la xasuusto geerida marka salaadda la galo. “Qofku haddii marka uu salaadda galo uu geerida xasuusto, salaaddiisi in uu wanaajiyo ayuu mudan yahay” ayuu yidhi Nebigu csw.
⦁ “Waxad u tukataa sidii qof salaaddaasi uu tukanayo mooyaane mid kale aanay uga dembayn” ayuu yidhi Nebigu csw.
⦁ Waxad iska ilaalisaa waxkasta oo qalbigaaga soo galaya.
⦁ Waxad u tukataa sidii qof ambabaxaya oo sagootinaya salaaddaasi.
⦁ Shaydaanka in aad xasuusnaato in uu Salaaddaada kaa xadayo. Nebigu (scw) waxa inoo sheegay in Qofku salaad ayuu galayaa. Waxa loo qorayaa saladdaasi kala badhkeed, 3 meelood, 4 meelood, 5 meelood, 6 meelood, 7 meelood, 8 meelood, 9 meelood, 10 meelood. Waxana ay ku xidhan tahay in ta uu tukaday isaga oo soo jeeda oo caqligiisu joogo.
⦁ Xasuusnow in aad shaydaanka ka ilaashato salaadda.
⦁ Qofku haddii uu khushuuc ku dareemayo salaadda in uu soo koobo. Cammaar waxa uu galay salaad kadibna saladdi ayuu fududeeyay. Kadibna waa la weydiiyay; waxa uu yidhi; “Miyaan arkaantii iyo sunayaashii salaadda wax ka tegay. Waxan ku degdegay in aanu salaadda shaydaanku aanu iga waswaasin.”
⦁ Waxad ku dedaashaa 2 rakcadood ee waysada, ama taxiyatul masjid ama sunaha ah; in aad keento khushuucdeeda 100%. Nebigu (csw) waxa uu yidhi; “Qofka waysaysta ee waysada wanaajiya ee ee tukada laba rakcadood isaga oo aan naftiisa u sheekayn. Dembigiisi hore waa laga dhaafaa.” (Riwaayad kalena waxa ay sheegaysaa in janno u waajibtay).
⦁ Qofku in uu xasuusnaado in uu Illaahay (swt) hortiisa uu taagan yahay. “Wa aqimi salaata li dikrii”…
⦁ Salaadda waa in aanay kaa noqon “caado ka dhigasho”. TUSAALE in aad suurado yaryar oo kooban ku tukato, faataxada adiga oo maqan aad akhrido. Waa in aad Qur’aan kala duwan akhrido adiga oo soo jeeda.
⦁ In marka uu qalbigaaga ku soo dhaco hami aad markiiba baraarug qaadato.
⦁ In aad Illaahay (swt) ka magangasho haddii aad waswaas iyo humuum dareento. Waa in aad shaydaanka Illaahay (swt) ka magangasho.
⦁ Cusmaan ibn Abii Caas, ayaa waxa u yidhi; “Nebiga ayaan u imid waxan ku idhi markasta oo aan salaadda galo Shaydaanku salaadaydii ayuu igaga ciyaarayaa, waswaas ayuu igu furayaa. Nebigu (csw) waxa uu ku yidhi; “Shaydaankaasi khansab ayaa la yidhaahdaa, marka aad dareento Illaahay (swt) ka magangal. Bidixdaadana saddex jeer ka tuf, oo iska naar.”
⦁ Xataa haddii aad Salaadda Jamaca ah ku jirto waad sameyn kartaa.
⦁ Si gaar ah ayaa la inoogu sheegay shaydaanka qofka ka waswaasiya salaadda iyo ka inaga mashquuliya waysada, isagana Magaciisa waxa la yidhaahdaa Walhaan.
⦁ Abu Xaniifa nin baa u yimid isaga oo ka ashkatonaya shay qaali ah oo uu waayay. Waxa uu ku yidhi; “Halkaasi is taag oo 2 rakcadood tukato. Waxad iska ilaalisaa in qalbigaaga salaadda mooyee aanay wax kale ku soo dhicin.” Ninkii markii uu Salaadda galay waxa u yimid shaydaankii oo u sheegay halkii uu allaabta dhigay.
⦁ Meesha aad ku sujudayso in aanu aragaagu dhaafin.
⦁ Meelaha ducada la aqbalo in aad Illaahay (swt) barido, sida sujuudda.
⦁ In aad sutro salaadda u sameysato.
⦁ Salaadda horteed wixii shuqul ah in aad ka baxdo ugu yaraan rubuc iyo toban daqiiqo. Intaasi aad Illaahay (swt) sii xusto, oo aad sii tukato.
⦁ Salaadda oo fiqigeeda, arkaanteeda iyo xasiloonideeda aad dhowrto.
⦁ Rakcad kasta oo aad tukato qiimee. Rakcaddan aad tukatid khushuucdeeda % intee le’eg ayay ahayd. Ta ku xigtana qiimee. Waxad garan doontaa salaaddaadii inta laguu qoray.
⦁ Waxad eegtaa marka aad salaadda “asalama calaykum” tidhaahdo salaadaadii intee ayaad khushuucday. Arrintaasina waxay kuu suurto gelinaysaa in aad xisaabtanto.
Marka uu salaadda qofku ka baxo in Ilaahay (swt) uu istiqfaar weydiisto. Waxaanay ka taagan tahay salaaddaasi uu qofku galay aanu xaqqeedii marinayn. Cibaadada badidooda waxa ku xigta Istiqfaar.
1 Comment
Allaah ha idinka abaalmariyo.