Wallaalayaal waxan jeclaystay in aan idinla wadaago “Xadiis Nebi” oo aad u qiimo badan; kaasi oo dareen gaar ah igu reebay maalin dhowayd oo aan si kor xaadis ah kitaab aan isha u marinayay ku arkay.
Xadiiskaasi Nebigu (csw) waxa uu kaga warramay dersi aad u cajiib ah oo qofka Muslimka ah ee ku jira
socdaalka xagga Rabi loogu jihaysan yahay caawinaya oo wax weyn ka taraya camalka uu qabanayo –haddii ay noqoto dhiirigelin iyo hagidba.
Macnaha Xadiiska haddii aan si kooban u soo qaato Rasuulku (scw) waxa uu sheegay in qofnaba camalka
uu sameynayo aanu badbaadinayn ama ku gelayn Janada. Asxaabtii way yaabeen, oo waxay
yidhaahdeen xataa ma adiga Rasuulkii Allow (scw); wuxu yidhi; “Xataa Aniga jeer oo Illaahay
naxariistiisa I geliyo mooyee.”
Rasuulku (scw) kuma hadlo wax aan waxyi ahayn, waxa uu inoo raaciyay dardaarankan waxana uu uu
yidhi; “Toosnaada, oo dha-dhaweeya, kalaha (subaxa hore oo la safro), caraaba (galabtii oo la socdo) iyo
wakhti habeenka ka mid ah. dhex-dhexaad, dhex-dhexaadka waydun gaadhi doontaane.” [Xadiisku wuxu
ku jiraa Bukhaari iyo Muslim labadaba].
Xadiiskaasi shakhsiyan dareen gaar ah ayuu maalintaasi dhowayd I geliyay. Illaahay (swt) sarreeye
quluubta hayee. Waxa si gaar ah ii taabtay tilmaamaha safarka adduunka ee uu Nebigu (scw) ugu
ekaysiiyay safarka aan Alle (swt) xaggiisa ugu socono.
Waxan si gaar ah u calaamadaystay in faa’iidooyinka iyo barakada wakhtiyadaasi ku jira aan ogaano, oo
ah subaxda hore, marka qoraxdu leexato iyo wakhti ka mid ah habeenkii. Xilliyadaasi waa wakhti uu
qofku firfircoon yahay; sidaas darteed aan wakhtiyadaasi uga faa’iidaysano dikriga, ducooyinka, qur’aan
akhriska, cilmi korodhsiga iyo safarkeena aakhiro wixii ina tabantaabinaya. Habeenkiina wakhti ka mid
ah aan kacno, oo weliba xilliga dambe ah si aan u gaadhno raali ahaanshaha Illaahay (swt) sarreeye oo
wanaagsanaaye.
Xadiiskii waan sii macaansaday dhowr jeerna wuu igu soo noq-noqday; “Toosnaada, oo dha-dhaweeya”.
Waxan jeclaystay in aan baadho sharaxa faahfaahsan ee ay culimadu ka bixisay. Waxaanan ogaaday
arrimahan oo laga faa’iidaysanayo xadiiska qaaliga ah ee Nebigeena aynu jecelahay – salalaahu calayhi
wa salam. Waxana ka mid ah:
a) In qofka Muslimka ah looga baahan yahay in uu la yimaado toosnaan dhab ah (sadaad) waana
Darajada kowaad, haddii uu taasi ka soo dhaco; in uu ku soo dhaco darajada 2aad oo ah (dha-
dhawayn) – Qaaribuu – waxana tusaale loo soo qaatay marka uu qofku tuurayo shiishka waxa uu
ku dedaalaa in uu “abbaartii” uu doonayay la helo; haddii uu la helo oo dedaalkaasi waafajiyo
wuxu noqonayaa qof uu toosan yahay camalkiisa, hadalkiisa iyo arrimihiisa oo dhan. Haddii uu
ku dhufan waayana wuu ku dhoweynayaa, oo waa darajada 2aad, balse ujeedada laga rabo
qofka Muslimka ah waa markasta in uu gaadho darajada sarre oo ah “toosnaanta buuxda”.
b) Safarka loo socda xagga Illaahay (swt) oo Rasuulku (scw) u ekaysiiyay safarka adduunka.
Waxaynu ognahay qofku marka uu socdaal ku jiro iskuma darro in uu “habeen iyo maalin”
xidhiidhsan safar ku jiro, balse waxa uu sameeyaa in uu u nasto oo wakhtiyada qoraxdu
qabowdahay ee subaxa hore iyo caraabaha habeenkii beegsado. Sidaas darteed, haddii uu qofku
cibaado badan isa saaro oo aanu qaadi kareyn, wuu ka daalayaa; waxayna keenaysaa in uu
niyadjabo. Balse haddii uu dhex-dhexaadsado oo wakhtiyada uu firfircoon yahayna la eegto
waxay keenaysaa in uu gaadho halkii uu ku socday.
c) In aan lala iman xadgudub iyo gabboodfal toona, oo ah in aanad arrimaha sharciga ah
xadkoodana dhaafin, kana gaabin oo sida uu doono qofku iska yeelin. Balse, lagu dedaalo dhex-
dhexaadka oo ah diinteena naxariista badan siday u soo degtay. Waxana la inooga baahan
yahay in aan joogteyno dhex-dhexaadkaasi.
Illaahay (swt) ha inagu anfaco aniga iyo idinkaba.
Wixii khalad aan galo wallaaluhu ha I saxeen, wixii aan asiibayna Illaahay (swt) ayaa waafajinta leh.
Waxa qoray: Cadnaan Daahir