Sunday, February 5

HANKA SARE (علو الهمة)

Google+ Pinterest LinkedIn Tumblr +

Hordhac:

Aduunyada ayuu yimi isagoo ooyaya!, dhacddiid buu u jiifaa! wuxuu ku taamayaa inuu mar uun fadhiisto, wuu fadhiyaa hadda! wuxuu ku taamayaa inuu mar uun kaco, wuu kacay hadda! wuxuu ku taamayaa inuu mar uun socdo oo uu cararo .

Laga bilaabo marka uu raad qaad noqdo ilaa uu godka ka galayo waxa uu ku taamaa fulinta han iyo hiraal maskaxdiisa ka guuxaya.Hubaashii waana kala jaad qofku waxa qof walba ka dhax guuxaya maankiisa.Dadkuna waxay ku kala duwan yihiin “Hanka” iyo “Hadafka” ay ku howlan yihiin fulintiisa.Qormadan waxaynu si kooban ugaga bogan doonnaa “Hanka-sare” iyo hirgalinstiisa.

 

Waa Maxay Hanku?

Hanku waa waxa uu qofku ku war-waro samayntiisa ama hirgalintiisa, waana waxa qofka ku kiciya inuu wax sameeyo.Laba sifo ayuu hanku qaataa “Han-sare ama  “Han-hoose

 Waa Maxay Hanka-sare?

Caalimka Raaqib Al-Asfahaani waxa uu ku qeexay Hanka-sare: “Waa qofka oo yaraysta wixii ka hooseeya arrimaha kuwooda sareeya

( استصغار ما دون النهاية من معالي الأمور (راغب الأصفهاني

Mar labaadna waxa uu yidhi Raaqib Al-Asfahaani:

Hammiga sare waa qof aan raali ku ahayn hanka xayawaanka sida: Caloosha buuxinteeda iyo Haqab-tirka rabitaanadiisa jinsiyeed, kuwaas waxa ka sareeya ayaa Han-sare ah

والكبير الهمة على الإطلاق هو من لا يرضى بالهمم الحيوانية قدر وسعه، فلا يصير عبد رعاية بطنه، وفرجه

 Gabayaagii caanka ahaa ee Al-Mutanabi ayaan isna ku gabyay:

(وَلم أرَ في عُيُوبِ النّاسِ شَيْئاً           كَنَقصِ القادِرِينَ على التّمَامِ (شاعر المتنبي

“Maan arag ceebaha dadka lagu sheego ceeb ka liidata qof wax awooda oo hakrada wixii uu karayay”.

Diinta islaamku waxay in faratay in aynu ku haminno hanka-sare, sida uu suubaneheena Muxamed (صلى الله عليه وسلم) inoo caddeeyay:

(إن الله يحبُّ معاليَ الأمور وأشرافها، ويكرهُ سَفْسَافَها ( رواه الطبراني والحديث حسن صحيح

Alle waxa uu jecel yahay arrimaha kuwooda sar-sare ee fiican ,waxaanu neceb yahay arimaha kuwooda liita

Hammiga sarreeya gaadhistiisu waxay u baahan tahay in qofku dadaal iyo samir adag u yeesho si uu uga midho dhaliyo ugana gun gaadho.  Waxa uu yidhi Imaamu Shaafici: بقدر الكد تكسب المعالى ومن طلب العلا سهر الليالي)) “Qofkii hiigsada himilo sare habeenuu soo jeedaa

Hiigsiga uu ku taamo qofku waa inuu hansadaa in uu ka gaadho halkiisa ugu sarraysa oo aanu ku qancin halkaa wax ka hooseeya.

وَمَنْ يتهيب صُعُودَ الجِبَـالِ ** يَعِشْ أبَدَ الدَهرِ بَيْنَ الحُفرْ (ابو القاسم الشابي)

“Qofka baarka sariyo kacabsooda buuraha

Waliigba bohoshiyo kama baxo habaaska”

CabdiQays

 

Qaybaha Hanka iyo Hammiga Dadka:

 Ugu horrayn, dadku waxa ay ku kala duwan yihiin hanka iyo hadafka, waana waxa saamaynta togan iyo midda taban ku yeesha hab fekarka qofka. Waa muhiim in aynu ogaano hanku inuu leeyahay “U dhalasho” iyo “Hanasho” (وهبي / مكتسبي), taas oo macnaheedu yahay, qof walba waxa ku uumman qayb ka mid ah hanka, laakiin waxa uu ku soocmaa rabitaanka iyo hadafka ama yoolka uu rabo qofku in uu gaadho.

 Waxa uu yidhi Sheekh Ibnul Qayim:

“كمال الإنسان مداره على أصلين: معرفة الحق من الباطل، وإيثار الحق على الباطل، وما تفاوتت منازل الخلق عند الله في الدنيا والآخرة إلا بقدر تفاوت منازلهم في هذين الأمرين” أ. هـ من كتاب الجواب الكافي

Qiimaha qofku laba shay buu ku dhisan yahay: Xaqqa iyo baadilka inuu kala garato iyo inuu xaqqa ka door biddo baadilka ……”, Marka aynu eegno hadalka Sheekha waxa ku cadXaqqa iyo baadilka inaad kala garatowaa hadafkii iyo rabitaankii qofka, inaad xaqqa ka door bido baadilkawaa hammiga ku kicinaya in qofku fuliyo hadafka.

Hadaba, jaadadka kala duwan ee dadka waxa lagu soo koobi karaa qaybahan hoos ku xusan:

  1. Qof uu hammigiisa ugu sarreeyaa yahay wax alle iyo wixii Ilaahay iyo Rasuulkiisu raali ka yihiin ee loo unkay isaga laftiisa inuu gaadho oo ay ugu sarrayso Jannada Al-fardows. Dadkaas darajadaas gaadhay waxa ugu sarreeya Rususha, Sidiiqiinta, Shuhadada, Saalixiinta iwm waxaany ka dhabeeyeen hadalka alle yidhi : (وَسَارِعُوا إِلَى مَغْفِرَةٍ مِنْ رَبِّكُمْ وَجَنَّةٍ عَرْضُهَا السَّمَوَاتُ وَالْأَرْضُ أُعِدَّتْ لِلْمُتَّقِينَ) “U dheereeya Dambi dhaafka alle iyo janno baleceeedu yahay cirka iyo dhulka oo looguna talogalay kuwa alle ka cabsaday”. Ilaahayna waxa uu ku ammaanay  أُولَئِكَ يُسَارِعُونَ فِي الْخَيْرَاتِ)) “kuwaasi waa kuwa u dheereeyay wanaaga”.
  2. Qof Hadaf leh lakiin aan lahayn “Han” iyo “hawl” uu ku gaadho hadafkiisa, taasi waxa loo yaqaanaa “Yididiilo” ama “tammani” lagumana gaadho hadafka. Qofka noocan ahi waxa uu u baahan yahay in uu naftiisa wax kabadalo, ilaahayna waxa uu inoo sheegay: إن الله لايغيرمابقوم حتى يغيروا ما بأنفسهم)).
  3. Qof Han leh balse hadafku ka leexday oo ku hammiya waxyaabaha liita ee hooseeya, haseyeeshee waxa ku hankiisu yahay ka biyo keenayaa. Qofkaasi waxa uu u baahan yahay in hadafka loo saxo, waxaanu la mid yahay kuwii uu suubanuhu lahaa (S.C.W) :

(الناس معادن كمعادن الذهب والفضة، خيارهم في الجاهلية خيارهم في الإسلام إذا فقهوا) رواه مسلم

          “Dadku waa sida macdanta dahabka iyo fidada oo kale, waxa ugu akhyaarsan kuwii jaahilyadda (Islaamka            hortii) ugu akhyaarsanaa haday islaamka fahmaan”

  1. Qof aan Hammi iyo hadaf midna lahayn sida xayawaanka oo kale oo hadba dabayshu jiho u heehaabinayso, wuu cunayaa, cabbayaa, seexanayaa, soo toosaa. Waa kuwa ay soomaalidu tidhaahdo “rag waxa ugu daran – Nin jooga oon la tirsan iyo Nin maqan oon la tabin iyo Nin tagaya oon la celin”.
  2. Qof Han iyo Howl-karnimo leh laakiin aan lahayn aragti uu ku kala sooco wixii saxan iyo wixii qaldan, waana kuwa uu Sheekh Ibnul Qayyim leeyahay:

(لا يكاد يميز بين أولياء الرحمن وأولياء الشيطان، بل يحسب كل سوداء تمرة، وكل بيضاء شحمة، …… لأنه ليس عنده علم وبصيرة في الدين) ابن القيم – الداء والدواء

“Kama sooci karayo awliyada Ilaahay ta shaydaanka, shay kasta oo madaw timir buu moodayaa, cadaan walbana baruur buu u haystaa ……..waayo cilmi malaha iyo aragti diineed oo uu wax ku kala sooco”

 

 Sidee loo Hirgaliyaa Hanka-sare?

Waxa lagama maarmaan ah in qofka uu hadafku u saxmo kadibna uu yeesho hansare iyo hiraal ku taamo, hirgalinta hadafkaasina waxay u baahan tahay  in uu qofku ka go’aansado qalbiga marka xigtana qorsheeyo hirgalintiisa.

Hadalkaasi waxa uu inoo soo ururinayaa tallaabooyin-ka uu kaashan karo qofku:

  1. Qofka waxa looga baahan yahay in uu yeesho “Hadaf Cad” kaasi oo uu hiigsado ka gun-gaadhkiisa.

“Maantiyo dantaadiyo,

Yaan mililku kaa lumin,

Maalmaa danbeeyiyo,

Waxa maqanna faallee”

Ibraahim Sh. Saleeban Gadhle – Mulaaxo.

Khaliifkii Muslimiita ee Cumar Ibnul-Khaddaab ayaa yidhi:

“لا تصغرنّ همتك فإني لم أر أقعد بالرجل من سقوط همته”

“Ha yarayn hankaaga waayo ma’arag wax ka hooseeya ninku inuu han yeelan waayo ama gaadhi waayo hankiisii”.

  1. Qofka oo dedaal adag ku bixiya Ilaahayna talo-saarta.

(قال الله تعالى: (والذين جاهدوا فينا لنهدينهم سبلنا

“Lama helo wadaadow

waxaan cidi ku howshoone

Naftaa loo hantaaqaa

waxaad hiigso leedahaye”

 Tima-Cadde

 

  1. Qofka oo hiigsi ama hiraal fog yeesha.
  2. Qofka oo ka han-sareeya wax yaabaha yaryar ee hoose.
  3. Qofka oo si hagar la’aan ah wax u qabta. Sheekhii Ibnul Jawzi ayaa yidhi:

(فلو كان يُتصور للآدمي صعود السماوات لرأيت من أقبح النقائص رضاه بالأرض. ولو كانت النبوة تحصل بالاجتهاد رأيت المقصر في تحصيلها في حضيض، غير أنه إذا لم يمكن ذلك فينبغي أن يطلب الممكن) صيد الخاطر

Haday suuragal u tahay qofka inuu samada koro waxaan u arkaa liidasho inaad raali ku ahaato inaad dhulka jooto,haddii nabinimada lagu heli lahaa Dedaal iyo howlkarnimo ninka nabi noqon waaya Doqoniimo ayeynu u arki lahayn, hadda taasi suuragal maaha laakiin qofku waa inuu raadiyo wixii kasta ee suuragal ah gaadhista hankiis”.

  1. Qofku waa inuu Samir iyo Yaqiin ku sifooba:

وَجَعَلۡنَا مِنۡهُمۡ أَئِمَّةٗ يَهۡدُونَ بِأَمۡرِنَا لَمَّا صَبَرُواْۖ وَكَانُواْ بِ‍َٔايَٰتِنَا يُوقِنُونَ

  • Midhaha Laga Dhaxlo Hanka-sare:
  • Xaqiijinta waxyaabo badan oo dadku u arkayeen dhalanteed.
  • In uu ku gaadhsiiyo meelo sare oon camalkaagu ku gaadhsiiyeen.
  • Waxa uu qofku ka faa’iidaystaa inta badan noloshiisa waxaanu ka midha dhaliyaa wakhitgiisa.
  • Qofka hanka-sare leh waxa uu noqdaa hormoodka dalka iyo dadka.
  • Qofku waxa uu ka fogaadaa in uu hadafku ka qaloocdo.
  • Qofka hanka-sare lehi waxa uu wax ka badalaa bulshada uu la noolyahay.

 

  • Qissooyin ku saabsan Hanka-sare:

Ugu dambayn waxaynu ku gunaanadaynaa qiso ka hadlaysaa hanka’sare

قصة عجوز بني إسرائيل

عن أبي موسى قال: أتى النبي صلى الله عليه وسلم أعرابيا فأكرمه، فقال له: ائتنا، فأتاه، فقال له رسول الله صلى الله عليه وسلم: سل حاجتك، قال: ناقة نركبها، وأعنز يحلبها أهلي! فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم: أعجزتم أن تكونوا مثل عجوز بني إسرائيل؟ قالوا: يا رسول الله؛ وما عجوز بني إسرائيل؟ قال: إن موسى عليه السلام لما سار ببني إسرائيل من مصر ضلوا الطريق، فقال: ما هذا؟ فقال علماؤهم: إن يوسف عليه السلام لما حضره الموت أخذ علينا موثقا من الله أن لا نخرج من مصر حتى ننقل عظامه معنا، قال: فمن يعلم موضع قبره؟ قال: عجوز من بني إسرائيل، فبعث إليها فأتته، فقال: دليني على قبر يوسف، قالت: حتى تعطيني حكمي، قال: وما حكمك؟ قالت: أكون معك في الجنة، فكره أن يعطيها ذلك، فأوحى الله إليه: أن أعطها حكمها، فانطلقت بهم إلى بحيرة موضع مستنقع ماء، فقالت: أنضبوا هذا الماء، فأنضبوه، فقالت: احتفروا، فاحتفروا، فاستخرجوا عظام يوسف، فلما أقلوها إلى الأرض وإذا الطريق مثل ضوء النهار.

“Rasuulka (s.c.w) ayaa u tagay nin reer miyi ah kaasi siwacan u maamuusay , waxa rasuulku ku yidhi noogu kaalay madiina , ninkii waxa uu yimi madiina , rasuulku waxa uu ku yidhi wax I waydiiso , waxa uu waydiistay Hal uu fuulo iyo Ri uu , u maalo ehelkiisa , waxa uu rasuulku waxa uu ku yidhi : Oo miyaad ka caajistay /kari-wayday waxay kartay islaantii reer bani israa’iil ,  waxa ay asxaabtii wadiiyeen maxay ahayd islaantaa reer bani israa’iil ? rasuulku wuxuu yidhi: Nabi muuse markii la faray inuu reer bani israa’iil ka saaro masar waxa dhacday in ay Dayoobeen oo dariiqii ay ka lumeen, kadib ayaa la is waydiiyay waxa dhacay oo la yidhi maxaa ina haysata ? waxay yidhaadeen culimadii reer bani israa’iil  balan baa jiray nabi yuusuf la galay reer bani israa’iil markay geeridu ku soo xaadirtay inaanay masar ka bixin haday ka baxaana ay lafihiisa ka saaraan , nabi muuse wuxuu yidhi oo yaa garanaya xabaashiisii , waxa lagu yidhi Islaan kaliya ayaa garanaysa , kadibna cidbaa loo diray oo u yeedhaya , markii la keenay ayaa lagu yidhi na tus qabrigii  yuusuf? waxay ku tidhi haye xukunkayga ha la isiiyo ama waxa aan doonayo la ii ogolaado, nabi muuse wuxuu yidhi oo maxaad doonaysaa ? waxay tidhi in aan jannada alle kula  galo , nabi muuse arintii way ku adkaatay kadibna alle ayaa u waxyooday in uu u balan qaado jannada , kadibna way soo kaxaysay waxaanay keentay meel yar biyo fadhiisin ah waxaanay fartay inay biyaha ka dhuraan , way ka dhureen biyihii , kadibna waxay tidhi hadda faqa oo ka soo saara maydka nabi yuusuf , markii la soo saaray maydka ayaa dariiqu sida maalinta oo kale ayuu ugu muuqday ama waxay heleen jidkii toobiyaha ahaa”.

Qissadan waxaynu ka faa’iidaysanaynaa:

  • In ninka reer miyiga ah hankiisu ku koobnaa hal yar iyo ri uu maalo ,halka islaanta reer bani israa,iil ahaa hammigeeda ugu sareeyaa ahaa Jannada.
  • Nabigu wuxuu inagu dhiiri galiyay in hankeenu sareeyo oo anay meelaha hoose ku habsaamin.

“HAMMIGA FULINTAA KA ROON”

Waxa Qoray:

Axmed Ismaaciil Kooshin

kooshin44@gmail.com

Share.

Leave A Reply