Sunday, September 24

Suuradaha Al-Falaq & Annaas

Google+ Pinterest LinkedIn Tumblr +

Waxa Ilaahay mahaddii ah inaan Allaah inoo qadarin shay dhib leh oo aanu maarayn u soo rogin, aan garano ama yaynaan garan.

Qof kasta oo inaga mid ah waxa uu la nool nahay khatar dhinac kasta oo nolosheena ah inagu hareeraysan. Wax kasta oo ALLAH swt abuuray khayr iyo shar (dheef iyo dhib) ayuu leeyahay, ha noqdo Insi ama Jin, naaslayda, xawayaanka, xamaaratada, cayayaanka iyo nooc kasta oo kamid ah waxa ilaahay abuuray.

Marka uu habeenku dumo, waxa soo faafa wax kasta oo shar leh; Insiga iyo Jin-ka kuwooda sharwadayaasha ah, duur-joogta iyo xamaarada ayaa godkooda ka soo baxa, tuugta iyo budhcadda ayaa weerarka gala bixisa, dabka ayaa kaca, gurmadkuna wuu yar yahay waayo qofkasta xalkiisu waa balaayooy buulkayga kaa galay.

Khataraha sixirka iyo falka, sixiroolayaasha iyo falalowgu waa khataro guun ah, waana dhaqan hadda ku soo badanaya caalamka oo ninba ninkii ay is hayeen uu ku reebo ama ku sallido. Sixirku waxa uu ka soo fulaa Jinka, waxaana dhaqan u leh adeegsigiisa Yuhuudda waana kuwii Nabi Muxamed sixray Labiid Ibnul-Acsam iyo hablihiisii.

Ibliis waa kii xasday Nabi Aadam, Qaabiilna waa kii xasday walaalkii Haabiil ilaa iyo maantana dhaqankaas liita ee xasadka iyo xaasidiintu waa dhib taalla bani’aadamka dhexdiisa.

Khatarahaas sare oo dhami waa kuwo awoodeena ka baxsan, balse waxa jirta khatar adiga kaa soo fuli karta; Waswaaska, walaaca iyo shakiga, waana shar culus oo gala diinta ama aduunyadaada; ganacsiga, awlaad, oorida, walaalaha, asxaabta iyo xidhiidhka bulshada ee kala duwan.

Waxaynu soo tirinay khataro, waxa iswaydiin mudan: Khatarahaasi dawo ma leeyihiin?

Sidaynu ku bilawnay qormadeena, jawaabtu waa HAA! Dhammaan khatarahaasi daawo ayay leeyihiin, ka hor tagna way leeyihiin, waana Suuradaha Magan-galyada (المعوذتين) Annaas iyo Al-Falaq.

Labada suuradood ee Al-falaq & Annaas waxay tirsiga kitaabka Qur’aanka ee ka kooban114-ka suuradood ka yihiin lambar 113 iyo 114; iyagaa ugu dambeeya. Soo dagistooda waxa u sabab ahaa markii Nabiga la sixray,  Ilaahayna waxa uu farayaa Nabiga iyo cid kasta oo adoomihiisa ka mid ah oo khatarahaas magan-galyo ka rabta inay magan galaan ilaahay iyagoo adeegsanaya suuradahan.

Labadan suuradood ee Al-falaq & Annaas waa suurado qiimo badan. Imaamu Muslin waxa uu saxiisiisa ku soo raray xadiis uu warinayo asxaabiga Cuqbah Ibnu Caamir kaas oo sheegaya inuu Rasuulku yidhi: “Ma ka warqabtaan laba aayadood (suuradood) oo caawa la soo dajiyay oo aan hore loo arag iyagoo kale? Qul-Acuudu bi Rabbil-Falaq iyo Qul-Acuudu bi Rabbinnaas”.

روى مُسْلِمٌ فِي صَحِيحِهِ: عَنْ عُقْبَةَ بْنِ عَامِرٍ قَالَ:

قَالَ رَسُولُ اللَّه – صلى الله عليه وسلم: )أَلَمْ تَرَ آيَاتٍ أُنْزِلَتْ هَذِهِ اللَّيْلَةَ لَمْ يُر مِثْلُهُنَّ قَطُّ: قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ وَقُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاس)

Si la isugu daweeyo, loogu gaashaanto ama loogaga hortago khatarahaas, goorma ayuu akhrisanayaa qofka muslimka ahi suuradahan?

Rasuulku (S.C.W) waqtiyada ama xaaladaha uu inoo jideeyay in la akhristo Saddexda suuradood ee Qul-Huwallaah, Qul-Acuudu bi Rabbil-Falaq iyo Qul-Acuudu bi Rabbinnaas, waxa kamid ah:

  1. SALAAD KASTA OO FARAL AH DABADEED;
  2. GALINKA HORE IYO GALINKA DAMBE (Qofka akhristaana ilaahay ayaa kaga fillaanaya dhib kasta)
  3. MARKA AAD SEEXANAYSO (Nabigu habeen kasta marka uu saaxanayo, labadiisa baabaco intuu isku qabto ayuu ku akhriyi jiray saddexdaas suuradood kadibna uu ku tufi jiray oo uu ku masixi jiray dhamaan jidhkiisa isagoo ka bilaabaya wajigiisa iyo madaxiisa).
  4. MAR KASTA OO AAD XANUUN DAREENTO (Nabigu S.C.W haddii uu xanuun dareemo waxa uu isku akhriyi jiray saddexdaas suuradood).

Gabo-gabadii, waa suurado ku qaaliya nolosheena waana balaayo xijaab rabbaaniya … walaal si aad u hesho midhahooda:

  1. HA BAWSAN E BARO (Ka qaado/dhagayso qaabka akhriskeedu saxa ku yahay qof aqoon u leh);
  2. ISKA SAX AKHRISKEEDA (Ku hor akhri qof aqoon sax ah u leh Qur’aanka si aad u hubiso inay dhawaaq ahaan kuu saxan tahay);
  3. XAFID HADDAANAD HORE U XAFIDSANAYN (wixii lagu celceliyo ayaa sugma);
  4. MACNAHEEDA BARO (Faham waxay aad odhanayso marka aad ilaahay kuga magan galayso noocyada sharka khatarta kugu haya)

 

Waxa Qoray:

Cabdiraxmaan Aadan Shire

Shire6@gmail.com

Hargaisa,

21 Ramadaan, 1441 ama 15/5/2020

Share.

Leave A Reply