Sunday, February 5

12 Faa’iido oo ku jira 10 maalmood ee u horreeya bisha Dulxijjah

Google+ Pinterest LinkedIn Tumblr +

 

Mahad oo dhammi waxay u sugnaatey Allaah. Ammaan iyo sharafba waxa mudan Nabi Muxamed NNKH. 

 

Intaa kadib waxaan maqaalkan kooban idinkula wadaageynaa fadliga ay leeyihiin maalmaha khayrka badan ee 10-ka hore ee Dulxijjah iyo sida aad uga faa’iideysan laheyd.

 

1.    Maalmuhu waa hadyad iyo gallad uu Allaah (swt) ku maneystey adoomihiisa; haddana illaahay (swt) gaar ayuu u siiyey 10-kan maalmood ee qiimaha badan si uu adoomihiisa darajaad kor ugu qaado, danbigoodana u dhaafo ciddii daacaadka allah kaga faa’iideysata.

2.    Camalada wanaagsan ee aad qabato maalmahani waxay ka fadli badan yihiin camalada maalmaha kale ee sannadka la qabto sida Salaadda, Qur’aan-akhriska, Sadaqada, Samo-falka waalidka,Qaraabo xidhiidhiska IWM

3.    Fadliga 10 dulxijjah waxa ka mid ah in ay ku dhex jirto maalinta “Carafo” oo ah malintii uu Allah Diinteena dhammaystirey

 

قال الله تعالى (اليوم أكملت لكم دينكم وأتممت عليكم نعمتي ورضيت لكم الإسلام دينا) المائدة.

“Maantaan idiin dhamaystirey Diintiinna waxaana idiin taamyeelay korkiinna nimcadeyda waxaana idiinka raali noqdey Islaamka Diin ahaan”.

 

4.    Fadliga maalmahan 10-ka ah waxa ka mid ah in ay ku kulmaan noocyada kala duwan ee cibaadooyinka waaweyn sida Xajjka, Maalinta gowraca, Salaada, soomka oo u sugnaadey qofka aan Xajjeyn (Maalinta Carafo). 

5.    Fadliga maalmahan waxa kamid ah in uu Allah ku dhaartey Habeenadeeda fadliga badan 

قال الله تعالى ( والفجر  وليال عشر)

“waabarigaan ku dhaartey iyo habeenada 10-ka ah “ .

 

6.    Fadliga maalmahan waxa ka mid ah in ay ku dhexjirto maalinta Ciida iyo in Allaah loogu dhawaado gowraca. 

قال الله تعالى ( فصل لربك وانحر)

 “U tuko Allah dartiis waxna u gowrac”.

 

7.    Soomka maalinta Carafa waxa uu ka mid yahay sunnada Nabiga NNKH waana fursad wayn waxa lagu dhaafaa laba sanno danbigooda 

 

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ( صيام يوم عرفة أحتسب على الله أن يكفر السنة التي قبله والسنة التي بعده)

 

Rasuulku (scw) waxa uu yidhi:  “Soomka malinta Carafa waxan Allaah ka rajeynayaa inuu ku dhaafo danbigii sannadkii tagey iyo sannadka soo socda”.

 

8.    Qofka Muslimka ah waxa habboon inuu kaga faa’iideysto fadliga maalmahan camalada wanaagsan iyo daacaadka Rabbi.

9.    Qofka muslimka ahi waa inuu iska ilaaliyaa inuu ku dayaco waqtigaa fadliga badan  hadal aan macno lahayn, daawashada barnaamijyada aan faa’iidada laheyn, filimada, isticmaalka baraha bulshada iyo waxkasta oo kaa luminaya waqtigaaga; waana in qofku xoogga saaro Quraan-akhriska, xuska alle iyo ducada oo la badiyo.

 

10.  Waa in aad kaga faaideysataa maalmahan 10ka ah badinta Xuska Allah oo aad tidhaahdo

الله أكبر ، لا إله إلا الله ، سبحان الله ، والحمد لله، ولا حول ولا قوة إلا بالله

Badina kuna celceli xaaladkasta oo aad ku sugan tahay adiga oo kor u qaadaya muujinayana shacaa’irta Islaamka (Astaamaha Diinta ee waaweyn). 

 

11. kaga faaideyso maalmahan Salliga Nabiga NNKH iyo istiqfaarta (in aad ilaahey danbi dhaaf waydiisatid) 

12. kaga faa’iideyso fadliga maalmahan Salaatu laylka oo u kac si aad illaahey ula kulanto marka uu u soo dago samada dhow ( السماء الدنيا) si aad uga mid noqoto kuwa loo danbi dhaafo maalmahan fadliga badan.

 

Allaah waxa aynu waydiisaneynaa inuu inagu anfaco inagana dhigo kuwii ka faa’iideysta loona danbi dhaafo. 

 

Waxa laga soo tarjumay Qoraalka Sh. Maxamed Saalix Al Munajjid ee “44 Faa’iido ee bisha Dilxijjah”. Waxa tarjumay wallaasheen: Asma Axmed Maxamuud (Allaah swt) ha ugu daro miisaanka xasanaadka.

 

 

Share.

1 Comment

  1. عبدالفتاح سمتر on

    ما شاء الله
    hormar baladhan oo Dhanka dacwada aadbay u mahadsanyihiin hawl Wadena qiimaha badan ee barnamujkan

Leave A Reply