Sunday, February 5

Waa Maxay Axkaamta & Aadaabta Ciiddu?

Google+ Pinterest LinkedIn Tumblr +

Mahad oo dhami waxay u sugnaatey Allah ammaan iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato Rasuulkeenii sharafta badnaa Csw.

Intaa kadib waxaan maqaalkan idinkula wadaagaynaa 

  1. Waa maxay Ciid? Maxaase looga jeedaa Ciidul Fidri iyo Ciidul Adxa?
  2. Axkaamta Ciidda
  3. Aadaabta Ciidda
  4. Qaabka loo tukado Salaadda Ciidda iyo waqtigeeda.

 

Waa maxay Ciid? 

Ciiddu waa magac waxkasta oo soo noqnoqda lagu magacaabo. Ciidduna waa astaamo ay leeyihiin qoom kasta oo ay muujiyaan farxadahooda ha ahaato Yuhuud, Nasaara, Muslimiin iyo iwm.

Muslimiintu waxay la gaar yihiin ciidahooda sida uu ina tusayo hadalka Nabigeena (csw): “Qolo kastaa waxay leeyihiin maalmo ciideed annaguna waxaanu leenahay maalmo ciideed” –  kuwaasi oo ah Ciidaha sannadka ee Ciidul Fidriga iyo Ciidul adxaa iyo Ciidda Toddobaadka ee Jimcaha.

Ma bannaana in lala dabaaldego Ciidaha Gaalada, layskuna eekeysiiyo waxa ka mid ah Ciidda sannadka cusub, maalinta Hooyada, maalinta Shaqaalaha, iyo maalinkasta oo ay iyagu ciid ka dhigteen. 

Allaah waxa uu siiyay dadka Muslimiinta ah laba  Ciidood sannadkii. Anas ibnu Maalik waxa laga soo wariyey inuu yidhi Nabigaa yimi Madiina waxayna lahaayeen laba maalmood ay ciyaaraan kadibna Nabigaa csw ku yidhi maxay ahaayeen maalmahani? Waxayna ugu jawaabeen waxaanu ahayn dad ciyaara maalmahan waqtigii jaahiliyada wuxuu ku yidhi (csw): “Ilaahay wuxuu uu idiinku beddelay laba maalmood oo ka khayr badan oo ah malinta Ciidul fidriga iyo malinta Ciidul adxada.

Ciidul fidri waxa loogu bixiyey waa maalinta ay afurayaan muslimiintu 30 cisho oo ay soomanaayeen kadib. Ciidul Adxa waa malinta ka dambeysa istaaga Carafa ay istaagaan Xujaajtu; waxa loogu magac-dhabay maalintaasi waa maalin ay Muslimiintu Allah ugu dhawaanayaan gowraca.

 

Axkaamta Ciidda:

Ciiddu waxay leedahay axkaam waxa kamid ah 

 

  1. Soomka: Waa xaaraan in la soomo maalmaha Ciidda.  Waxa laga wariyey Saciid Alkhudrii (Allaah ha ka raali noqdee) inuu diidey Rasuulku (scw) soomka labadaa maalmood ee Ciidda.
  2. Salaadda Ciidda: Culumada badhkood waxay qabaan in ay waajib tahay tukashada Salaadda Ciiddu waxana qaba sidaa Xanafiyad iyo Sheekh ibnu taymiya.

Waxayna daliishanayaan inuu Rasuulku joogteeyey oo aanuu marna ka tagin iyo waliba hadalka Allah ee ah “u tuko Rabigaa waxna u gowrac” 

Culumida qaar kale ayaa qaba in haddii ay dadka qaar tukadaan ay ka dhaceyso inta kale waxana qaba sidaa Xanaabilada.

Qaybta saddexaad ee Culimada ayaa qaba in ay tahay sunne la adkeeyey waxana sidaa qaba sidaa Maalikiyada iyo Shaaficiyada; waxayna daliishanayaan in aanu ilaahey kuwaajibinin adoomihiisa 5 Salaadood mooyee wax kale.

Waxaana haboon in lagu dadaalo kasoo qaybgalkeeda iyo waliba ilaalinteeda.

Waxa kale oo ay jamhuurku qabaan iney bannaan tahay in uu soo qalleeyo qofka ay dhaafto Salaadda Ciiddu.

  1. Khudbada Ciidda: Rasuulkeena (csw) waxa laga soo wariyey inuu ku bilaabay Salaadda kadibna uu khudbadeeyey taasi waxay ina tusaysaa in ay salaadda Ciiddu ka horreyso khudbadda waana arrinta ay ku kala duwan yihiin khudbada Jimcaha waxa kale oo la soo wariyey in uu yidhi Nabigu (CSW) qofkii raba inuu fadhiisto oo uu dhageysto khudbada ha fadhiisto kii raba inuu ka tagaana ka tagi karo; taasi oo ina tuseysa in ay dhameystirmeyso salaaddu hadii aad khudbada ka tagto waase fiican inaad dhageysato oo aad ajarkaaga dhameystirato.

 

Aadaabta Ciidda:

 

  1. Maydhashada: Maydhashadu waa dhaqan wanaagsan oo looga baahan yahay qofka u soo baxaya Salaadda Ciidda.
  2. Qureecda & Ciidaha: Waxa habboon in uu qofku sii cuno midhadh timir ah inta aanu u soo bixin Salaadda Ciidul Fidriga balse waxa fiican in aanu waxba sii cunin marka Salaadda Ciidul Adxada loo baxayo oo uu qofku wax ka cuno Udxiyada salaadda kadib.
  3. Badinta weyneynta Allaah Maalmaha Ciidda: Takbiirtu (Weynaynta Rabbi) waxay ka mid tahay Sunayaasha waaweyn iyo Astaamaha islaamka waxana loo baahan yahay in la badiyo maalmaha Ciidda iyo waliba maalmaha ka dambeeya Ciidul adxada ee loo yaqaano Ayaamul Tashriiq (Maalmaha hilbo-wadhadka);  sida uu Ilaahay (swt) nagu amrey: 

قال الله تعالى (ولتكملوا العدة ولتكبروا الله على ماهداكم ولعلكم تشكرون)

 

“Ilaahay waxa uu idinka doonayaa inaad dhameystirtaan tirada [Soonka Ramaadan], kadibna ilaahay aad u takbiirataan (waynaysaan) marka aad cibaadadaas gudataan, si aad ilaahay ugaga mahad naqdaan hanuunka, waafajinta iyo fududaynta cibaadada”.

 

  1. Hambalyada: Adaabta Ciidda waxa ka mid ah in aad ugu hambalyeyso maalmahan farxada badan ummadda muslimka ah, ehelkaaga, asxaabtaada. Sida oo kale, waa in aad xidhiidhiso ehelkaaga, kala qaybgasho farxadahooda kawarheyso jaarkaaga waqtina laqaadato.
  2. Kala beddelka Wadada loo maro Salaadda Ciidda iyo in loo lugeeyo goobta Salaadda: Waxa sunne ah in marka aad Salaadda Ciidda tegayso iyo marka aad ka soo noqonayso aad wadada kala bedesho; taas oo macnaheedu tahay haddii marka hore aad waddo sii martay inaad wado kale soo marto soo noqodka. Sidaasaana Rasuulkeenu samayn jiray. Sidoo kale waxa sunne ah in aad lug  ku tagto goobta ciidda lagu tukanayo hadaad awoodo si aad u muujiso astaamaha Ciidda.

 

Qaabka Salaadda Ciidda loo tukado iyo waqtigeeda

 Salaada Ciiddu waa laba rakcadood. Rakcada koobaad waxa ay leedahay 7 takbiiradood (oo aan ku jirin Takbiirta xidhashadu) kadib ayuu imaamku akhriyayaa Qur’aanka [Qofka la tukinayaana waxa uu akhriyayaa Faatixada oo keliya]. Rakcada labaadna waxay leedahay 5 Takbiiradood kadib ayuu imamku Qur’aanka akhriyayaa.

Hadii ay ku dhaafaan takbiiraadka qaar ka mid ah ma soo qaleyneysid ee halkaa aad kala bilaabatey uun baad ka sii qaadeysaa.

 

Waqtiga Salaadda Ciidda:

 Wuxuu ka bilaabmayaa marka ay Cadceedu soo baxdo waran in le’eg waxana uu wakhtiga Salaaddu ku eg yahay marka ay bilaabmato leexashada [A2] Cadceedu.

 

Gabo-gabadii:

 Allaah ha inaga dhigo kuwii inta wanaagsan ka qaata muujiyana Astaamaha Ciiddeena iyo farxadeedaba.

 Maqaalkan asalkiisii hore waxa lagu qoray Shabakada islamonline.net.

 Waxa tarjuntay: Asma Axmed Maxamuud.

Share.

Leave A Reply