Friday, December 8

Xantu raadka xun ee ay ku yeelato Qofka iyo Bulshada iyo sida loo daweeyo

Google+ Pinterest LinkedIn Tumblr +

Mahad oo dhammi waxay u sugnaatey Allaah. Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato Rasuulkeenii sharafta badnaa.

Intaa kadib waxa aan maqaalkan kaga hadli doonaa Xantu raadka xun ee ay ku yeelato qofka iyo bulshada, sababaha keena iyo sida loo daweeyo.

1_ Qeexidda Xanta

Xantu waa in aad ka sheegto qofka wax uu dhibsanayo haduu doono haku tilmaamnaado waxa aad ka sheegayso,sida:- dhagool,indhool IWM.

_Jowhari wuxuu isna ku qeexay:- Xantu waa in aad wax ka sheegto qofka isagoo maqan. waxaad aad ka sheegtey haddii uu run yahay waxa layidhaahdaa “Xan” haddii ay been tahayna waxaa layidhahdaa “Been abuur”.

2_ Kitaabka iyo Sunnaha Nebiga oo ka hadley Xanta

قال الله تعالى (ولا يغتب بعضكم بعضا أيحب أحدكم أن يأكل لحم أخيه ميتا فكرهتموه واتقو الله إن الله تواب الرحيم)آية١٢حجرات

“Qaarkiinna qaar ka kale yaanu xamanin, miyuu jecel yahay midkiin inuu cuno hilibka walaalkii oo mayd ah, waad neceb tihiin arrintaas, ilaahayna ka cabsada waa towbad aqbale naxariistee.” (Al Xujuraat, aayadda 12)

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم( أتدرون ما المفلس؟ قالوا المفلس فينا من لا درهم له ولا متاع فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم إن المفلس من أمتي يأتي يوم القيامة بصلاة وصيام وزكاة،ويأتي قد شتم هذا، وقذف هذا، وأكل مال هذا، وسفك دم هذا، وضرب هذا، فيعطى من حسناته، وهذا من حسناته فإن فنت حسناته قبل أن يقضى ما عليه أخذ خطاياهم فطرحت عليه ثم طرح في النار.)

Rasuulkii Allah CSW  wuxuu ku yidhi saxaabadii miyaad garaneysaan qofka caydha ah? Waxay ku yidhaahdeen qofka caydha ah annaga dhexdayada waa qofka aan lacag iyo adduunyo toona haysan. Waxa uu ku yidhi (csw): “Ummadeyda qofka caydha ahi waa qofka la yimaadda maalinta qiyaame Salaad, Soom, Sako, oo haddana yimaadda isagoo kaa caayey, kaa xumaan ku tilmaamey, kaa cuney xoolihiisii, kaa daadiyey dhiiggiisii, kaa garaacey, waxa la siinayaa wanaagyadii uu soo shaqeystey dadka uu dhibey. marka ay dhammaato wanaagyadiisu  waxa laga soo qaadayaa xumaanahoodii waxaana lagu dul tuurayaa qofka, kadibna waxaa lagu tuurayaa naarta.

Waxa jira axaadiis badan oo kale oo ka hadlaya Xanta iyo dhibaatadeeda.

 

3_ Sababaha keena in aad wax Xamato 

  •  Iimaanka qofka oo hoos udhaca/daciifa 
  •  Qofka barbaarintiisii hore oo xumaata taas oo ka dhigan in aan loo sheegin dhibaatada xantu leedahay 
  • Madadaalo iyo waqtiga oo lagu luminayo 
  • Raali galin lagu raali galinayo asxaabta inta kale iyo sheekada oo lagu badsanayo 
  • Naceybka iyo Xaasidnimada oo kugu kalifaya inaad raadiso ceebaha qofka aad necebtahay/aad xaasideyso.

 

4_ Raadka xun ay ku yeelato qofka iyo bulshada

  • Waxay kordhisaa xumaanaha qofka waxayna hoos u dhigtaa wanaagyadiisa
  • Xanta qofku wuxuu ku mutaystaa cadho Rabbi
  • Ciqaabta qofka wax xantaa waa naar siduu Rasuulkeenii Csw inoo sheegay 
  • Xantu waxay bulshada kudhex beertaa xumaanta iyo munaafaqnimada
  • Waxay jartaa xidhiidhada dadka waxayna keentaa kala go’ bulsheed 
  • Xantu waxay dishaa kalsoonida dadka waxayna ka qayb-qaadataa faafidda xumaanta. 

5_ Daawada Xanta 

  • ku dhaqmidda hadyiga/sunnada Nabiga NNKH 
  • Xoojinta iimaanka adiga oo kuxoojinaya kordhisashada Cilmiga iyo Camalada wanaagsan 
  • Ku mashquulidda xuska Allaah iyo akhrinta Quraanka 
  • Ku qancidda waxa Allaah ku siiyey 
  • Sameysashada asxaab wanaagsan oo wanaagga kugu taageerta.
  • Kafogaanshiyaha meelaha xanta lagu hayo 
  • Ka faa’iidaysiga waqtigaaga si aanad u helin waqti banaan oo aad cid ku xamato 
  • Ku mashquulidda ceebahaaga iyo is ilawsiinta ceebaha dadka kale.

 

Gabogabo:

Waxaan maqaalkan ku soo afmeerayaa hadalkii imaamu Shaafici “Haddii aan cid xaman lahaa hooyadey baan xaman lahaa waayo iyadaa dadka kale uga xaqleh wanaagyadeyda”. [Sheekhu wuxu muujinayaa in qofka la xanto sidii Xadiiska aan ku soo aragnay camalkaaga wanaagsan uu aakhiro kaa qaadanayo haddii aad wax ka sheegtay ama dhib kale oo addin ama af ah aad u geysatay.].

Waxa aan kula talinayaa nafteyda iyo qofkasta oo akhriyi doona maqaalkan in aynu ka dheeraanno xanta.Inta aynu raadin laheyn qof xumaantii aynu raadinno xumaanaheenna Farqiga u dhexeeyaana waa in aad ajar ku helayso haddii aad xumaantaada raadiso oo aad hagaajiso, danbina ku mutaysanayso haddii aad dadka kale xumaantooda raadiso.

Waxa laga soo turjumay : Raadka ay ku leedahay xantu qofka iyo bulshada (dorar.net)

Dhibaatooyinka xantu ku yeelato qofka iyo bulshada (Al_maktaba.org)

Xanta sababaheeda,raadadkeeda, daawadeeda (Www.alukah.net)

Waxa tarjumtay Asma Ahmad

Share.

Leave A Reply