Friday, December 8

Bismillah

Mahad dhammaanteed waxay u sugnaatey Allah ((cw)), Ammaan iyo nabadgelyo Rasuulkeenii korkiisa Ha ahaato.

Intaa kadib.

Maqaalkan waxaynu kaga hadli doonaa Muhiimadda Waqtiga iyo sida ugu wanaagsan ee aynu uga faa’iideysan laheyn.

Waqtigu waxa uu  ka mid yahay Nicmooyinka uu Ilaahey inna siiyey kuwooda ugu waaweyn, waxa aynu ku garanaynaa sida Allaah iyo Rasuulkuba inoogu booriyeen ka faa’ideysigiisa.

Marka aynu eegno QQur’aanka iyo sida uu Waqtiga uga hadley Ilaahey ayaa ku dhaartey Waqtiga

١_ قال الله تعالى ( وَالْعَصْرِ).

Oo macnaheedu yahay. Allah waxa uu yidhi “Waxaan ku dhaartey Waqtiga (xilliga galabtii)tii)”.

٢_!وقوله تعالى ( وَالْفَجْرِ).

Oo macnaheedu yahay Allah wuxuu yidhi “Waxaan ku dhaartey Waabariga”.

٣_ وقوله تعالى (وَهُوَ الذي جَعَلَ اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ خِلْفَةً لِمَنْ أَرَادَ أنْ يَذَّكَّرَأَوْأَرَادَ شكُوراً).

Oo macnaheedu yahay “Allaah waa AAllaha ka yeelay Habeenka iyo Maalinta kuwo isbaddelayaedd “jaanis u ah” qofka doonayaqofka in uu ilaahey Xuso ama raba inuu mmahadiyo”.

Aayadahaas iyo qaar badan oo kale waxay inna tusayaan qiimaha WWaqtiga.

Haddana waxaynu eegaynaa sida Rasuulku inoogu booriyey ka faaideysiga Waqtiga.

١_ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ” نعمتان مغبون فيهما كثير من الناس الصحة والفراغ”.

Oo macnihiisu yahay: Rasuulku csw wuxuu yidhi “ laba Nicmo oo dadka badankoodu ku kadsoomaanku kadsoomaan Caafimaadka iyo Waqtiga Jaaniska ah”.

Waxa kale oo inoo sheegay Rasuulku csw in Waqtigu ka mid yahay Nicmooyinka lays waydiin doono maalinta xiisaabta

٢_ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ” لا تزول قدما عبد يوم القيامة حتى يسأل عن أربع: ومنها عن عمره فيما أفناه وعن شبابه فيما أبلاه ……”.

Oo macnihiisu yahay: Rasuulku csw wuxuu yidhi “Addoon lugihiisu ka dhaqaaqi maayaan maalinta qiyaamaha ilaa laweydiiyo  Afar Arrimood waxa ka mid ahaa cumrigiisa wuxuucumrigiisa ku soo qaatey iyo Dhalinyaranimadiisii wuxuu ku soo dhemmeystey”.

٣_ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لرجل وهو يعظه ” اغتنم خمسًا قبل خمس: شبابك قبل هرمك، وصحتك قبل سقمك، وغناك قبل فقرك، وفراقك قبل شغلك، وحياتك قبل موتك”.

Rasuulku csw wuxuu ku yidhi isaga oo Nin waaninaya “Shan ka faa’iideyso shan kale inta aaney ku haleelin kahor. kahor.  Dhallinyaranimadaada ka faaideyso inta aanad gaboobin kahor, Caafimaadkaaga inta aanad xanuusan kahor, Hantidaada inta aanad Sabool noqon kahor, Waqtigaaga jaaniska ah inta aanad Mashquulin kahor, Noloshaada inta aanad dhiman kdahor”.

Waxa jira Axaadiis badan oo ka hadleysa Waqtiga iyo qiimihiisa balse intaasi waano inoogu filan.

Haddana waxaynu eegaynaa sidii ay u arki jireen Waqtiga Dadkii innaga horeeyey.

١_ قال ابن مسعود رضي الله عنه ” ما ندمت على شيء كندمي على يوم غربت شمسه، نقص فيه أجلي ولم يزد فيه عملي”

Ibnu Mascuud waxa laga wariyey inuu yidhi: “: “Waligey ugama qoomamoon shay sidaan uga qoomamooday Maalin ay Cadceedeedu dhacday oo Cimrigaygu soo gaabtey Camalkeygana aaney waxba ku kordhin.”

٢_ قال ابن قيم رحمة الله “إذا أراد الله بالعبد خيرًا أعانه بالوقت وجعل وقته مساعدا له ….”.

Wuxuu yidhi ibnu AAlqayyim Allah how naxariistee: “: “Ilaahey haddii dii uu adoonka khayr la doono wuxuu waafajiyaa Waqtiga, wuxuuna uga yeelaa mid Caawiya….”.

٣_ قال حسن البصري “يا ابن أدم إنما أنت أيام، فإذا ذهب يومك ذهب بعضك”.

Xasan al Basri wuxu yidhi isaga a oo ka hadlaya qiimaha Waqtiga “ ina Aadamow waxaad tahay maalmo keliya ,Haddii dii uu maalinkaagu tago badhkaa baa tagey”.

Saxaabadii iyo Dadkii inaga horreeyeyba waxay ka digi jireen in waqtiga la lumiyo waxayna ku dadaali jireen sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen Waqtigooda.

Maxaa inaga Caawinaya in aynu Waqtigeena ka faa’iideysano.

1_ In aynu ogaano Waqtiga qiimihiisa iyo inuu yahay nolosheena.

2_ In aynu la saaxiibno dadka waqtiga ilaaliya ee ka faa’iideysta.

3_ In aynu qorsheyno qorsheyno yoolalkeena nolosha si aynu ugu gaadhno waqti kooban.

4_ In aynu ku Xidhnaano Ilaahey kana fogaano Macaasida.

5_ In aynu u qayb-qaybino waxqabadkeena waqtiga una kala hormarino siday u kala muhiimsan yihiin. 

6_ In aynu u talo saarano Allaah marka aynu la nimaadno sababaha. 

Waxaan kusoo gabogabeynaynaa Maqaalkeenan in Waqtigu yahay waxa ugu qaalisan ee aynu haysano loona baahanyahay in aynu ilaashano ugana faa’Iideysano sida ugu fiican.

Tixraac:

Tixraac:

أهمية الوقت ” مجلة الألوكة”.

كتاب قيمة الزمن عند العلماء.

الأسباب المعينة على تنظيم الوقت ” إسلام ويب “.

Waxa tarjumtey: Asma Axmed.

Share.

Leave A Reply