Tuesday, March 5

Shaqo fudud & maalmahan!

Google+ Pinterest LinkedIn Tumblr +

Waxa aynu ku jirnaa maalmihii dunida ugu qiimaha badnaa, maalmaha camal kasta oo la sameeyaa uu ka khayr badan yahay camalka la sameeyo sannadka intiisa kale.

Maalmahan waxa aynu ku dedaalaynaa cibaadooyin kala duwan, Soon, Salaad, Sadaqo, Quraan akhris, duco iyo Alle bari, samafal iyo wixii la mid ah, waxana aynu Ilaahay ka rejaynaynaa inuu innaga aqbalo.

Galabta se waxaan kula wadaagayaa shaqo iyo camal fudud, samayntiisa aan waqti badani kaaga baxayn, daal iyo dhibna aanad ku mudanayn, lacagna aan ku qorayn, ajarkiisuna ka wayn yahay wax kasta oo aad filayso, si gaar ahna la innoo faray maalmahan tobanka ah in aynu xoog ugu dedaalno.

Waxa Ilaahay ku yidhi suuradda Al Xaj “Waxa ay xusayaan Ilaahay maalmo la yaqaanno..” maalmaha la yaqaannaa waa maalmaha aynu ku jirno ee tobanka ah. Shaqadaasina waa Xuska Ilaahay oo lagu ammaanay addoomaha wanaagsan ee maalmahan shaqada ka dhiganaya xuska Rabbi.

Waxa sidoo kale Nebi Muxammad Scw ka sugan inuu yidhi: “Ma jiraan maalmo camalka wanaagsan ee la sameeyaa ka wayn yahay maalmahan’e badiya Tasbiixda -Subxaanallaah- Taxmiidda -Alxamdulilaah- iyo Takbiirta -Allaahu akbar- “

Maalmahan shaqada ugu fudud ee haddana ugu ajarka badan ee aynu qabanaynaa waa Xuska Ilaahay oo carrabkeenna ka qoyanaada.

Ereyadan waqtigaaga ku buuxi:
“Subxaanallaah
Alxamdulilaah
Laa Ilaaha illallaah
Allaahu akbar
Laa xawla walaa quwata illaa Billaah
Subxaanallaahi wa bixamdih, subxanaallaahil cadiim
Allaahuma salli wa sallim calaa Nabiyinaa Muxammad Scw”.

W/Q: Xamse Sh Mustafe Cumar Kujoog.

Share.

Comments are closed.