Allaah bay u sugnaatey mahad dhammaanteed, Naxariis iyo Nabadgelyo Nebigeenii
suubanaa dushiisa Ha ahaato.
Intaa kadib.
Waxaynu Maqaalakan diiradda ku saareynaa sababaha keena in awoodaheenu
dayacmaan “Lumaan” si aynu iskaga ilaalino.
Hordhaca Maqaalka
Marka hore waa ineynu ogaanaa in aanu jirin qof aan Ilaahey awood siinin, balse
dadka qaarna way gartaan awoodooda wayna ka faa’iideystaan xagga qaarka
kalena ay garanwaayaan awoodda Ilaahey siiyey, kadibna ay iska noolaadaan uun
marka danbena ay iska dhintaan uun, sidaasi darteed waa ineynu barano waxa
keena Awoodeena in aynu arki wayno si aynu uga feejignaano.
Waxa jira sababo badan oo keeni kara in awoodda qofku Dayacanto/Lunto waxaana
ka mida:
- Hoos-u-dhac dhanka Barbaarinta ah.
Barbaarinta iyo u jiheynta ilmaha dhinaca wanaagsan waxay ka caawineysaa inuu
noqdo qof wax soo saar leh oo anfaca Diintiisa, naftiisa iyo Bulshadiisaba marka uu
weynaado. Taasi ka soo horjeedkeeda haddii aynu Ilmaha barbaarintiisa dayacno
waxay keentaa in uu garan waayo Awooddiisa, sidaasi darteed waa in aynu xil iska
saarno soo saaridda Jiil ka dhisan xagga Diinta, Aqoonta iyo dhaqankaba si ay u
noqdaan dad Awoodahooda ka faaideysta oo garta hadafka noloshooda.
- Niyadda oo Xumaata.
Niyadda qofka oo xumaataa waa sababaha ugu waaweyn ee keena in qofku meel
gaadhi waayo oo Awooddiisa adeegsan waayo iyo waliba in ay barakada ka qaado
Cimriga iyo Camalkaba. Dadkii wanaagsanaa ee hore waxay ku dedaali jireen
Niyad-wanaagga iyo in ay waxkasta u qabtaan Allaah dartii si Ilaahey (swt) ugu
barakeeyo dadaalkooda midhihiisa.
“Qofka Niyadiisu wanaagsanaataa wuu gaadhaa meeshuu rabo”.
Marka aynu eegno Dhalinteena iyo guud ahaan Bulshadeena waxaad arkaysaa
iyagoon xoogga saareyn Barashada Aqoonta Waxtarka leh oo aan dadaal ku
bixineyn wixii anfacayey taasina waxay luminaysaa Awoodihii Allaah ina siiyey.
Hanka oo hooseeya.
Hanka qofka oo liitaa wuxuu keenaa Awoodaha Ilaahey ku siiyey in aad arki waydo
oo aad meel hoose uun wax ka eegto, waxaad ka habsaameysaa fursadaha nolosha
mid Adduun iyo mid Aakhiraba waxaad ahaaneysaa qof iskaga qanca waxa hoose.
Allaah meelo badan oo Qur’aanka ka mida wuxuu inagu booriyey Hanka sare iyo
ineynu ka fogaano han yaraanta waxa ka mida (in aynu Allaah waydiisanno in uu
Hormood inooga dhigo kuwa Alle ka Cabsada).
Rasuulkuna Csw waxa uu yidhi; “Haddii aad Ilaahey waydiisaneysaan Janno
waydiista firdowsa” oo ah ta ugu sarreysa Jannooyinka.
Hadaf oo aan Cadeyn.
Waxyaabaha keena ineynu garanweyno Awoodaha Allaah inasiiyey waxa ka mida in
aynaan laheynba Hadaf/yool inoo Cad oo aynu u socono hadba halka ay inoo wado
noloshu, qofkuna haddii uu nolosha hadaf/yool Cad ka leeyahay wuu gaadhaa
hadafkiisa balse hadii aaney jirin Aragti u cad oo uu leeyahay; hadhowna wuxuu is
arkaa isagoo cimri jooga oo aan nolosha waxba ka qabsan mid adduun iyo mid
Aakhira toona, sidaasi darteed waxa muhiim ah in aynu baadhno awoodaheena
ugana faa’ideysano sida ugu fiican.
Canaanta iyo Isquudhsiga Nafeed.
In aad Naftaada markasta Canaanato oo aad hoos isku dhigto amaba aad is
quudhsato sharci ahaan ma banaana sida laynoogu diiday Isla-weynida iyo
Is-cajabinta.
Isquudhsigu waxa uu ku keenaa qofka inuu arki waayaba Awoodihii Allaah siiyey,
midna ogow oo ma jiro qof aan waxba Awoodin, hadaad wax ku xun tahay wax kale
ayaad ku fiicantahay.
Waxaana xaqiraad nafeed ugu filan qofka inuu arko Nimcooyinka dadka kale in ka
badan intuu arkayo Nimcooyinka Allaah siiyey isaga.
Rasuulkuna csw waxa uu yidhi; “Shaqeeya qofkasta waxa loo fudeydiyey wixii loo
abuuray” taas oo ina tusaysa inuu qofkasta Allaah siiyey awood u gaar ah.
Waxaa aan odhan karaa waa dhibaatada ugu wayn ee inna haysata haddii aynu
nahay dadka diinta barta inaga oo qiil/marmarsiyo ka dhiganeyna wali maan gaadhin
xiligii aan Diinta fidin lahaa waayo aqoon igu filan ma heysto balse aynu
xasuusnaano hadalkii Rasuulka csw; “iga gaadhsiiya Aayadba Ha ahaatee.”
Gunaanadkii:
Waxaan Ilaahey waydiisaneynaa inuu inna waafajiyo khayrka Aduun iyo Aakhiraba,
wixii aan saxey Ilaahey bay ka ahaadeen waxaan gafeyna waa Nafteyda iyo
Shaydaan.
Maqaalku maaha tarjamad eray eray ah balse waxaan si guud uga soo tarjumay.
مقال: الطاقات المهدرة في صيد الفوائد.
Allaah baa mahad leh.
Waxa qoray / Tarjumay: Asma Ahmed
Hansare.net