Waa Maxay, Sideese Lagu Gaadhaa?
Qofku waxa uu ogaan karaa xaqqa, haddana qalbigiisu waxa uu u baahan yahay sugnaan uu kaga gudbo shakiga, uguna adkaysto imtixaannada nolosha. Sugnaantaas waxa ka mid ah Yaqiinta: aqoon qalbiga ku xididaysatay oo qofka ku dhalisa rumayn adag, kalsooni iyo camal.
Imaam Ibn al-Qayyim (Allaah ha u naxariistee) waxa uu kitaabkiisa Madaariju Saalikiin ku tilmaamayaa in Yaqiintu iimaanka kaga jirto meesha ay ruuxdu jidhka kaga jirto. Iyada ayay ku kala sarreeyaan dadka Allaah yaqaanna, kuna tartamaan kuwa wanaagga u ordaya.
Yaqiintu waa ruuxda camallada qalbiga; camallada qalbiguna waa ruuxda camallada xubnaha. Marka qalbigu yeesho rumayn sugan, raadkeedu waxa uu ka muuqdaa cibaadada, akhlaaqda iyo go’aannada qofka.
Waa maxay Yaqiintu?
Yaqiintu waa sugnaanta aqoonta iyo rumaynta qalbiga, taas oo aan shakigu ruxin. Qofka yaqiinta leh waxa uu si dhab ah u rumaysan yahay xaqqa Illaahay (swt) ka yimid, ballanqaadkiisa iyo la kulankiisa aakhiro.
Al-Junayd (Allaah ha u naxariistee) waxa uu Yaqiinta ku tilmaamay aqoon sugan oo aan rogrogmanayn, aan leexanayn, qalbigana aan ka beddelmayn.
Sidaas darteed, Yaqiintu kuma koobna hadal carrabka laga yidhaahdo; waa xaqiiqo qalbiga degta oo qofka ku hagta sida uu u noolaanayo.
Muhiimadda iyo fadliga Yaqiinta
1. Samirka iyo Yaqiintu waxay horseedaan imaamada diinta
Allaah waxa uu yidhi:
﴿وَجَعَلْنَا مِنْهُمْ أَئِمَّةً يَهْدُونَ بِأَمْرِنَا لَمَّا صَبَرُوا وَكَانُوا بِآيَاتِنَا يُوقِنُونَ﴾
“Waxaan ka yeelnay imaamyo amarkayaga dadka ku hanuuniya, markii ay samreen, aayadahayagana ay yaqiinsanaayeen.”
Suurat As-Sajdah: 24.
Samirku waxa uu qofka ku adkeeyaa xaqa, Yaqiintuna waxay qalbigiisa ku sugtaa rumayntiisa. Marka labadani kulmaan, waxay sabab u noqdaan in qofku wanaagga ku dayasho u noqdo.
2. Yaqiintu waxay furtaa ka faa’iidaysiga aayadaha
Allaah waxa uu yidhi:
﴿وَفِي الْأَرْضِ آيَاتٌ لِلْمُوقِنِينَ﴾
“Dhulka waxaa ku sugan calaamado ay ku cibro qaataan kuwa yaqiinta leh.”
Suurat Adh-Dhaariyaat: 20.
Dadku isku si ayay u arki karaan dhulka iyo waxa ku sugan, hase yeeshee isku si ugama wada faa’iidaystaan. Qalbiga yaqiinta leh waxa uu abuurka ka dhex arkaa daliillo ku tusaya awoodda, xikmadda iyo weynaanta Allaah (swt).
3. Yaqiinta aakhiro waxay ka mid tahay sifooyinka dadka hanuunsan
Allaah waxa uu yidhi:
﴿وَالَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِمَا أُنْزِلَ إِلَيْكَ وَمَا أُنْزِلَ مِنْ قَبْلِكَ وَبِالْآخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ أُولَٰئِكَ عَلَىٰ هُدًى مِنْ رَبِّهِمْ وَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ﴾
“Kuwa rumaysan waxa lagugu soo dejiyey iyo wixii kaa horreeyey ee la soo dejiyey, aakhirana yaqiinsan. Kuwaasi waxay ku sugan yihiin hanuun Rabbigood ka yimid, waana kuwa liibaanay.” Suurat Al-Baqarah: 4–5.
Qofka yaqiinsan xisaabta iyo abaalmarinta aakhiro waxa uu noloshiisa u arkaa masuuliyad. Wanaagga ayuu ku dadaalaa, xumaantana wuu iska ilaaliyaa, isaga oo og in camalkiisu leeyahay meel uu ku dambaynayo.
Xidhiidhka Yaqiinta iyo Tawakulka
Yaqiintu waxay xidhiidh dhow la leedahay tala-saarashada Allaah. Marka qofku yaqiinsado awoodda Rabbigii, cilmigiisa iyo xikmaddiisa, waxaa qalbigiisa ku xoogaysta inuu isaga isku halleeyo.
Imaam Ibn al-Qayyim waxa uu tilmaamayaa in tawakalku yahay midhaha iyo natiijada ka dhalata Yaqiinta. Kolba inta Yaqiintu qalbiga qofka ku sii xoogaysato, ayay tala-saarashaduna sii adkaataa.
Qofku waxa uu qaataa sababaha u bannaan, dadaalkiisana wuu gutaa; natiijadana waxa uu u dhiibaa Allaah (swt).
Yaqiintu waxay ku caawisaa inuusan qalbigiisa ku xidhin sababaha oo keliya, balse uu xusuusto Rabbiga sababaha maamula.
Saamaynta Yaqiintu ku leedahay qalbiga
Marka Yaqiintu qalbiga ku xoogaysato, waxay ku kordhisaa nuur iyo degganaansho. Waxay daciifisaa shakiga, xoojisaa jacaylka Allaah iyo cabsidiisa, kuna dhalisaa qofka mahadnaq, raalli ahaansho iyo u noqoshada Rabbigiis.
Taas macnaheedu ma aha in qofka Yaqiinta leh aanu murugoon ama aanu dhib dareemin. Waxaase Yaqiintu ku caawisaa inuu dhibka ku dhex sugnaado isaga oo leh rajo fiican iyo rumayn, isla markaana talo saaranaya Allaah (swt).
Marka uu waayo wax uu jeclaa, waxa uu xusuustaa xikmadda Rabbigii. Marka uu wanaag sameeyo oo aan dadku ku mahadin, waxa uu xusuustaa abaalkiisa. Marka imtixaan ku dhacana, waxa uu ku dadaalaa samir iyo ku sugnaanta xaqa.
Sidee lagu gaadhaa Yaqiinta?
Yaqiintu waa deeq Allaah bixiyo, haddana waxay leedahay sababo uu addoonku ku dadaalo. Qoraalka Ibn al-Qayyim waxa uu ina tusayaa in dhinaca sababaha la kasbado, halka xaqiiqadeeda iyo ku sugnaanta qalbigu ay yihiin deeq Rabbaani ah.
Yaqiinta qalbiga ku xididaysata waxay qofka siisaa jihayn uu ku noolaado: xaq uu ku sugnaado, Rabbi uu tala saarto iyo aakhiro uu u shaqaysto.
Kitaabka Xigasho: Madaariju Saalikiin ee Imaam Ibn al-Qayyim (Allaah ha u naxariistee), qaybta ka hadlaysa Darajada Yaqiinta.
Diyaarintii: Hansare
Telegram: @hansarenet
